Qaybdiid:-“Yaan La Isku Xirin Doorashada Galmudug iyo Wadahalka Ahlu-sunna”,+Dhageyso

0

Xildhibaan  Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ka mid ah Golaha senator-ka Soomaaliya ayaa Fariin adag u diray Maamulada Ahlusana iyo Galmudug oo ugu baaqay in ka wada Shaqeeyaan sidii Doorasha loo dhan yahay ay 3-maalmood ka dib ay uga dhici lahayd magaalada Cadaado, ee Caasimada KMG ah ee Maamulka Galmudug.

Xildhibaan qeybdiid ayaa Nasiib daro ku tilamamay Khilaafka soo Xoogaysanaya ee Galmudug iyo Ahlusuna ee ku aadan  Arimaha Doorasha, madaxweynaha cusub ee Dowladd Goboleedka Galmudug kadib iscasiadii C/kariin Xuseen Guuleed.

Ugu dambeyntii  Qeybdiid ayaa  sheegay Gobalada ay soo Mareen dhibaato Colaadeed iyo mid siyaasadeed oo ka reebtay Gobalada kale ee Soomaaliya islamarkaana Xiligaan uu yahay waqti waayoo aragtinimo badan oo u baahan in laga qaato Cashar muhiin ah oo lagu badbaadin karo dadka Gobaladaasi ku nool.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here