Xildhibaan Isxaaq:-“Mala Aqbali Doono in La Musuq-maasuqo Deeqaha dadka Rayidka ah”,+Dhageyso

0

Xildhibaan Maxmed Cabdullaahi Isxaaq oo ka mid ah xildhibaanada dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda SIMBA ayaa beeniyey in deegaanada Maamulkaasi hadda uu kasocdo abaabulka mooshin ka dhan ah Guddoonka baarlamaanka iyo wasiirro ka tirsan maamulkaasi oo ay soo baxayeen warar sheegaya in baarlamaanka Koonfur-galbeed ay ka diyaarinayaan mooshin lagu darayo ajandayasha kalfadhiyadooda.

Waxaa uu sheegay xildhibaankan in aan loo baahanayn xilligaan mooshin iyo isqabqabsi ka dhax dhasha Baarlamaanka iyo wasiirada Koofur-galbeed maadaama uu sheegay in lagu jiro xilli ay dalka ka jiraan abaara xooggan gaar ahaan deegaanada maamulkaasi ayuu sheegay inay u darantahay oo xaalad liidata ay ku noolyihiin dadka deegaanadaasi jooga.

Xildhibaan Isxaaq oo hadlkiisa sii wata ayaa tilmaamay in qof walba oo masuul ah baarlamaanku uu kula xisaabtayo wax bushada uu u qabtay balse aan la aqbali Karin in la musuq-maasuqo deeqaha dadka rayidka ah ee dhibaateysan,isagoona been abuur ku tilaamay in ay jiraan xildhibaanno shalay kulanka baarlamaanka horgeeyey mooshinka la sheegayo.

Waxaa uu ugu baaqay cid walba oo wax haysata in xilligaan ay soo caawiyaan walaalahoda Soomaaliyeed ee abartu ay hayso,meeshii looga gurman lahaana aynan imaan in lagu dul gorgortamo dadka xaaladaha kala duwani haystaan.

Dhawaan ayaa waxaa soo baxayey warar ku aaddan in la musuq-maasuqay raashin iyo lacago deeqa ah oo dadka abaaruhu sameeyeen loogu talagalay taasi oo ay ku lug leeyihiin masuuliyiin ka tirsan koonfur-galbeed.

Z0000001

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here