C/raxmaan Maxamed Xuseen { Odowaa } oo soo noqday wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya ee xukuumaddii ka horreysay midda hadda jirta haddana Ka Mid ah Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa kaga hadlay wareysigiisa arimo kala duwan oo ay ka mid yihiin xaaladda ka jirta deegaanada Maamula galmudug oo uu kasoo jeedo iyo wadahdalada dhawaan la filayo inay u furmaan Maamulada Galmudug iyo Ahlu-sunna.
Xildhibaan Odowaa ayaa sheegay ugu horreyn in tillaabo muhiim ah ay tahay wada-hadalada hadda qorshahoodu gabagabada marayo ee u dhexeeya labada Maamul islamarkaana ay yihiin wax loo baahanyahay in xilligan ay Maamuladaasi wada hadalaan.
Dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda arimaha gudaha Soomaaliya ee uu soo maamulijiray iyo madaxda labada maamul ayuu sheegay inay ku amaananyihiin heshiiska lagu gaaray in wada-hadalada nabadeed la furo.
C/raxmaan Odowaa ayaa sheegay in qof walba oo kasoo jeeda deegaanada Galmudug ay waajib ku tahay inuu ka qaybqaato sidii loo gaari lahaa heshiis iyo xal waara oo lagu samata-bixinkaro dadka xilligan ku dhibaateysan deegaanada labada maamul ay ka taliyaan,waxaana uu sheegay in labada Maamul xilligaan loo baahanyahay inay u midoobaan la dagaallanka Xarakada Al-shabaab oo ku eedeeyey inay diiddanyihiin nabad ka dhalata deegaanada dhaca gobolada dhexe sida uu yiri.
Waxaana uu sidoo kale ku baaqay inaan wax shuruud ah lagu xirin wadahadalada si meesha looga saaro khilaafka ragaadiyey labada Maamul,isagoona ku baaqay in dowladda Soomaaliya lagala shaqeeyo dhameystirka wada hadaladan.

