Dabageed:-“Dhinacyadda Ku Dagaalamaya Duleedka Degmada Balcad, Dagaalka Ha Joojiyaan”,+Dhageyso

0

Wasiirka Dib u heshiisiinta Dowladd Goboleedka Hirshabeelle ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya duleedka degmada balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe in sida ugu dhaqsiyaha badan xabada ay u joojiyaan.

Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf dabageed) Wasiirka Dib u heshiisiinta Maamul Goboleedka Hir-shabeelle oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada muqdisho ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in iyadoo ay abaaro dalka ka jiraan, hadana dhinaca kale ay beelaha Soomaliyeed ku dagaalamaan wax aan micno laheyn.

Wasiirka Dib u heshiisiinta Maamul Goboleedka Hirshabeelle ayaa tilmaamay in wasaaradda Dib u heshiisiinta Maamulka Hir-shabeelle aysan xiligaan laheyn goob ay ku shaqeyso oo rasmi ah. kaliyah ay mar walba ku baaqaan in la joojiyo dagaalo beeleedyadda kasoo cusboonaaday Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Dhawaan tuulooyin hoos yimada Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay beelo walaalo ah oo halkaas daga waxaa la gubay guryo badan oo halkaas ku yaalay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here