Maamulka degmada Mahadaay ee Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa sheegay in faraha uu ka baxay amniga degmadaasi islamarkaana taliyiha Amniga uu ka maqan yahay degmada.
Gudoomiyaha Degmada mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Xuseen Afrax oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada muqdisho ayaa sheegay in amniga degmada uu yahay mid aad u liit, islamarkaana Taliyihii Degmada uusan xil iska saarin sugida amniga Degmada.
Sidoo kale Gudoomiyaha Degmada mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Xuseen Afrax ayaa tilmaamay in dhowrkii maalin aynu soo dhaafnay Degmada ay ka dhaceen falalka amniga lidiga ku ah, aysan jirin dad loosoo qabtay falkaas.

