Madaafiic Qasaare Geysatay Oo Ku Dhacday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya

0

Waxaa gordhow ay madaafiic xoogan ku dhaceen Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya iyadoona faafaahino kala duwan ay ka soo baxayaan.

Dad ka agdhow xarunta madaxtooyada soomaaliya ayaa xaqiijiyay in ay maqleen dhawaqa 5 madfac oo u gudubtay dhinaca madaxtooyada soomaaliya.

Madaafiicda ayaa la sheegay in qaarkood ay ku dhaceen gudaha madaxtooyada soomaaliya islamarkaana qasaare ay geysteen.

4 qof oo kamid ah ahqaalaha madaxtooyada soomaaliya ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen madfac ku dhacay barxada madaxtooyada soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here