Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaliya iyo Raisulwasaare xasan Cali Kheyre , ayaa waxay ku sugan yihiin Xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, iyadoona maanta codka kalsoonida loo weydiinayo Xildhibaanada.
Kulankan, ayaa waxaa shir guddoominaya Gudoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Somaliya, C/weli Sheekh Ibraahim Muudey, isagoona iclaamiyay in kulanka uu furan yahay, waxaana kulanka maanta ka cudurdaartay in uu shir gudoomiye Gudoomiye Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari.
Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali kheyre ayaa xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya ka codsaday in ay codka kalsoonida siiyaan Wasiirada uu soo dhisay si dalka haatan xaaladda uu ku jiro ugu samata bixiyaan.
Ra’iisal Wasaaraha, ayaa 21-kii bishan soo magacaabay 26 Wasiir, 26 Kuxigeeno, 15 Wasiiru Dowlayaal iyo hal Ra’iisal Wasaare Kuxigeen.
Tani, ayaa waxaa diidmo ka keenay 105 Xildhibaan, oo soo jeediyay in Ra’iisal Wasaaruhu uu wax ka bedelo magacaabista Golihiisa Wasiirada, iyagoo ku doodaya inaanu magacaabistoodu ku salaynin hannaanka awood qaybsiga beelaha ee 4.5.

