Gudoomiyaha Axsaabta Siyaasadeed ee dalka Timo jilic ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in uu wato shaqsiyaad isaga uu doonayo in lagu badelo Wasiirada dhawaan uu soo magacaabay Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre.
Waxa uu sheegay in Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari uu hor boodayo in Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali kheyre lagu celiyo Golihiisa Wasiiradada uu dhawaan soo magacaabay, taasi badalkeeda ayuu sheegay in uu doonayo in siyaasiyiin uu isaga wato in lagu badalo Wasiiradda qaar.
Gudoomiyaha Axsaabta Siyaasadeed ee dalka Timo jilic ayaa ugu baaqay Gudoomiyahaa Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari in uu ilaalo sharciga dalka u yaalo islamarkaana uu ka fogaado in la niyad jabiyo shacabka Soomaliyeed oo xiligaan ku kalsoon dowladda Cusub uu Hogaaminayo Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmajo).

