Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Duleedka Degmada Qandala

0

Ugu yaraan labo askari oo katirsan ciidanka difaaca Puntland ayaa ku geeriyooday, saddex kalena way ku dhaawacmeen, kadib qarax miino lagula eegtay duleedka degmada Qandala ee Gobolka Bari habeenimadii Xalay.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa xaqiijiyay qaraxa lagu waxyeeleeyay Ciidamo ka Tirsan kuwa Maamulka puntland ee ka dhacay duleedka degmada Qandala ee Gobolka Bari,waxaana loo maleynayaa inay ka dambeeyaan kooxdii Daacish ee bishii december ee sanadkii hore laga saaray Qandala kadib dagaal kad hacay,

Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay Ma’uuliyadda qaraxa ka dhacay duleedka degmada Qandala ee Gobolka Bari habeenimadii Xalay ee lala eegtay Ciidamada ka tirsan kuwa Maamulka puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here