War Deg Deg:-Gudoomiyaha Degmada Wanlaweyn Goordhaweyd La Dhaawacay

0

Wararka ka imaanaya Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in Ciidamada DANAB ee Dowladda Soomaliya ay goordhaweyd dhaawaceen Gudoomiyaha Degmadaas C/raxmaan Siidoow.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen gaari uu la socday Gudoomiyaha degmadda oo kasoo laabtay aas loo sameeyay qaar kamid Ganacsatada degamdaas oo xalay la dilay, waxaa la xaqiijiyay in Gudoomiyaha uu soo gaaray dhaawac culus.

Mid kamid ah Dadka deegaanka Degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeelaha hoose oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in gaariga si bareer ah ay rasaas ugu fureen Ciidamada DANAB islamarkaana Gudoomiyaha iyo dad kale ay ku dhaawacmeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here