Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosobole iyo xubno ka tirsan gollaha wasiirada maamulka oo maanta gaaray Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in hoos loo dhigi doono Awoodda Maamulka.
Madaxweyne Osoble ayaa sheegay in Maamulka Hir-shabeelle uusan ku aruursanaan doonin mgaalada jowhar ee caasimada maamulkaas, islamarkaana ay xarumo muhiim ah ka sameyn doonaan Magaalda beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
“Waqti badan kuma lumin doonno in aan Jowhar ku uruursanaanno, nidaamka federaalka hoos ayaan u daadajin doonnaa laga bilaabo saacadan, waxaan rabaa in aan idin sheegno magaalada Beledweyne waxaa ka shaqeyn doona dhamaan xarumaha wasaarradaha oo ay ka faa’ideysan doonaan dhalinyarrada wax baratay’’ ayuu yiri madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo ka hadlayay munaasabad soo dhaweyn ah loogu qabtay xarunta maamulka gobollka.
Sidoo kale Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay In Magaalada Jowhar ee caasimada maamulka ay ku shaqeyn doonaan Xubno kooban oo ka tirsan Golaha wasiirada Maamulkaas, taasi badalkeeda ayuu sheegay in Xubnaha ugu badan ay ku shaqeyn doonaan magaalada beledweyne.
‘’Ma rabno in qof kasta oo shaqo doon ah uu Jowhar tago, halkan Beledweyne ayeey ka shaqeyn doonaan inta badan wasaarrada maamulka si dadka looga faa’ideeyo’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle.
Maamulka Hir-shabeelle ayaa inta badan lagu dhaliilaa in uu ku shaqeeyo magaalada Jowhar ee caasimada Maamulkaas.
https://youtu.be/b3Xi6Xxt1cw

