Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo maanta ka qeyb galay Shirkii Urur gobaleedka IGAD ay uga hadlayeen arrimaha Abaaraha iyo Qaxootiga Soomaaliya, ayaa dalab u jeediyay Hay’addaha caalamiga ah ee kusugan banaanka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay in gabi ahaanba Hay’addaha caalamiga ah ee kusugan banaanka Soomaaliya, sida Magaalada Nairobi in ay waajib tahay in ay usoo guuraan gudaha dalka Soomaaliya si loo ogaado waxa ay qabanayaan.
“Waxaan ugu baaqayaa hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya samafalka & horumarinta in ay u guuraan gudaha Soomaaliya ee abaarta ay saameysay” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa u mahad celiyey wadamada IGAD iyo dowladda Yemen oo uu sheegay in ay gacanta ku hayeen mudo dheer Hal Malyn oo Qaxooti Soomaali ah, kuwaas oo u baahan-naa gacan qabashada walaalahooda Soomaaliyeed.
Magaalada Nairobi ayaa la tilmaamaa in ay tahay Magaalo ay xafiisyo badan ay ku leeyihiin Hay’adda Caalami ah islamarkaana ay sheegeen mar walba ay Soomaliya xafiisyo ay ku leeyihiin.

