Al-shabaab oo Sheegtay Mas’uuliyadda Dil Maanta Ka Dhacay Muqdisho

0

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dil ay dhaawac maanta loo geystay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Degmada wadajir ee Gobolka Banaadir kaasi oo dhacay barqanimadii maanta.

Al-shabaab waxa ay sheegeen in dagaalyahano ka Tirsan Ciidamadooda oo ka howlgala Gobolka Banaadir ay dileen C/raxmaan Sheekh Axmed Calasoow oo ahaa xoghayihii degmada Wadajir iyo 2 Askari oo ilaala u ahaa.

Sidoo kale Shabaab waxa ay sheegeen in dhaawac culus uu soo gaaray mid kamida guddoomiye waaxeedyada degmada Wadajir, ragga dilka geystay oo watay gaari nuuca raaxada ah ayaa si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqay.

Xarakada Al Shabaab waxay ku goodisay in ay sii wadi doonto dilalka ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha Dowladda Federaalka oo ay ugu yeertay in la sheeqeeyaan Wadamada Shisheeye sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka xarakada ku hadasha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here