War Deg Deg:-Golaha Wasiirada Cusub ee Soomaaliya oo Lagu Dhawaaqayo

0

Ilo ku dhow dhow Xafiisyada Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku waramaya in Salaada Maqrib kaddib lagu dhawaaqi doono Golaha wasiirada cusub ee Xukuumadda Soomaaliya.

Munaasabad kooban ayaa la sheegay in ay ka dhici doonto xarunta Madaxtooyadda Soomaliya, islamarkaana ay ka qeyb gali doonaan Guddoonka Golaha shacabka iyo aqalka ayaa loogu dhawaaqi doono iiska Golaha Wasiirada cusub.

Wararka ayaa intaa ku daraya in haatan ay socoto diyaarinta xaflada kooban ee looga dhawaaqayo Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumadda Soomaliya , waxaana arrinta magacaabista Golaha Wasiirada si aad ah looga hadal hayaa Xafiisyada dowladda.

Dhanka kale Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo gaba gabeeyay wada tashiyo ay wadeen todobaadyadii u dambeeyay, waxaana xalay labada mas’uul ay yeesheen kulan albaabada uu u xirnaa oo ay kaga hadleen arrinta Golaha wasiirada Cusub.

Waxaa la hadal hayaa in Golaha wasiirada cusub ee Xukuumadda Soomaaliya ay kasoo dhex muuqan doonaan xubno ku cusub siyaasadda Soomaliya, islamarkaana laga badin sidii horey u ahaayeen.

Nala soco Mar walba

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here