Muqdisho, March 13, 2017 Ra’iisal Wasaaraha XukuumadaFederaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa cambaareeyey qaraxyada saaka ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kuwaasoo ka kala dhacay agagaaraha Warshadii hore ee Nac-naca oo fariisin u ah ciidamo ka tirsan kuwa XDS iyo qaraxa labaad ee lala beegsaday hotelka Wehliye.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay inay tahay wax laga xumaado inay jiraan weli kooxo nabadda diidan isla markaana u ooman daadinta dhiiga shacabka.
“Waxaan aad uga xumahay falalkan qaraxyada ah ee lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed, waxaana ballan qaadayaa inaan xoogeena isugu geyn doono sidii aan gacan adag ugu qaban laheyn kooxahaan u ooman daadinta dhiiga shacacabka ah” ayuu yiri R.wasaaraha oo xusay in
xukuumadiisu ay muhiimad gaar ah siin doonto sidii looga hortagi lahaa falalkan inay sii socdaan, lana xassiliyo dalka guud ahaan Gabagabadii, Ra’iisal Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada ay ka geeriyoodeen dadkii maanta ku dhintay qarxyadaasi, wuxuuna alle uga baryay inuu janadiisa geeyo.
*—-DHAMMAAD—-**

