Wararka naga soo gaaraya Degmada Dharkinley ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in kooxo hubeysnaa Bastoolada ay agagaarka Saldhiga degmadaas ay ku dileen nin odey ahaa oo 90-sano jir ahaa.
Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey C/qaadir Macalim Cali, waxayna kooxaha hubeysan ay ku dhufteen dhowr xabadood.
Goob-joogayaal ku sugan Degmada Dharkinley ee Gobolka Banaadir ayaa idaacadda Simba u sheegay in odeyga la dilay si weyn loogu yaqaanay degmadas.
Lama oga in Ala Ha u Naxariistee C/qaadir Macalim Cali, uu kamid ahaa odoyaashii soo xulay Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamanka Soomaliya, xili beegsi lagu hayay mudooyinkii dambe.
Dhanka kale warar lagu baahiyay baraha Al-shaabab ayaa lagu sheegay in rag ka Tirsan Al-shabaab ay toogteen C/qaadir Macalim Cali oo kamid ahaa mas’uuliyiinta Waxbarashada islamarkaana kamid ahaa 153-kii oday ee soo xulay Baarlamaanka Federaalka Soomaliya.

