Wararka haatan naga soo gaaraya isgoyska KM4 iyo Wadda Maka-almukaramah ee Magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Malatariga Dowladda Soomaliya oo Gadoodsan in ay halkaas xireen.
Ciidamada ayaa gabi-ahaanba xirey isku socodka dadka,Gadiidka iyo Goobaha ganacsi ee ku yaala isgosyska KM4 iyo Wadda Maka-almukaramah ee Magaalada Muqdisho, qaarkood ayaa shacabka ku ridaya rasaas.
Ciidamadan Gadoodka sameynaya ayaa ka cabanaya Mushaar la’aan muddo bil ah waxa ayna sheegeen in Dowladda cusub ee Soomaliya oo ay ku rajo weynaayeen in ay siiso lacagihii ay xaqa u lahaayeen aysan ka helin xiligaan.
Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed (Farmaajo) doorashadiisa kadib waxa uu sheegay In Ciidamada Dowladda Soomaliya mushaarkooda bil walba joogto u qaadan doonaan islamarkaana aysan ka caban doonin mushaar la’aan.

