Dowladda oo Caawa Ku Dhawaaqday Gargaar Loogu Talagalay Dadka Abaaraha ay Saameeyeen

0

Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xasan Cali Kheyre oo caawa ka qeyb qaadanaya Barnaamij si toos kaga baxaya Telefishinka Qaranka Soomaliyeed ee SNTV ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaliya ay ugu deeqday dadka Abaaraha ay saameeyeen deeq daawo ah.

Raisulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in deeq dawo ah oo gaaraysa 2.5 Ton loogu deeqday dadka Abaaraha ay saameeyeen gaar ahaan dadka la il daran cudurada kala duwan, sida cudurka Shuban biyoodka oo dad badan ay u dhinteen xiligaan.

Xasan Cali Kheyre Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya ayaa sheegay in deeqdaan ay tahay tii ugu horeysay islamarkaana maalmaha soo socda ay deeqo kale la gaarsiin doono dadka Abaaraha ay ku saameeyeen Gobolada dalka Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here