AMISOM oo Ku Hanjabtay inay Howgalkeeda Soomaliya Natiijo Ka Keeni Doonin+Sababta

0

Taliska Midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya oo ka qeyb galay shir loogu hadlaayay arrimaha Ciidamada AMISOM oo ka dhacay magaalada Nairobi ayaa sheegay in xiligana loo baahan yahay ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaata dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab ee Soomaliya ka socda.

Kulanka oo maalmo socda waxaa sidoo kale ka qeyb galay ururada deeq bixiyaasha iyo Mas’uuliyiin kale waxaana diirada lagu saaray intuu socday arrimaha Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaliya iyo sidii loogu mira dhalin lahaa hadafkooda.

Fransisco Madeira, Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Gudiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya (SRCC) oo kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in xiligaan loo baahan yahay Ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaata dagaalka Lagula jiro Al-shabaab,madaama Ciidamada AMISOM ay Soomaliya ku sugnaayeen muddo 10-sano.

Waxa uu sidoo kale sheegay Fransisco Madeira, Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Gudiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya in wax guulo ah aan laga gaari doonin dagaalka lagula jiro Al-shabaab hadii aan la aqbalin codsiga ku aadan in Ciidamo dheeraad ah la keeno Soomaliya.

Madeira ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xaaladda iminka ay ku sugan yihiin aysan awood u lahayn inay ka taliyaan goobaha Al-Shabaab laga xoreeyey.

Isaga oo ula jeeda ciidamada Soomaaliya, ayuu Madeira sheegay in kuwii ay ahayd inay ayaga dagaalamaan ay Amisom ka sugayaan inay ilaaliso, sida uu hadalka u dhigay, isaga oo yiri in Amisom ay dhinac kala dagaalameyso Al-Shabaab, dhinaca kalena ay ka ilaalineyso dowladda Soomaaliya.

Fransisco Madeira, Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Gudiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya (SRCC) ayaa sheegay in Ciidamo AMISOM ee Soomaliya ku sugan ay kaalin weyn ka qaateen doorashooyinkii Soomaliya ka dhacay,balse waxa uu sheegay in Ciidamada haatan jooga aysan ka guuleysan Karin Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here