Puntland Sidee ayay u Maareysay Lacago Gargaar ah oo Loogu Talagalay Dadka+Dhageyso

0

Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Puntland oo shir Jaraaid ku qabtay magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland ayaa ka hadlay sida loo mareeyay lacago gargaar ah oo $150,000 gaarayay loogu talagalay dadka Abaaraha ay saameeyeen.

Enjineer C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) ayaa sheegey in dad badan ay soo waydiiyeen halka lacagtaas la mariyey isagoo sheegey in lacagtaan ku iibiyeen 6 gaari kuwasoo 2 kamid ah tahay kuwa dadka Somalida u yaqaanaan 8boole halka 4ta kale lagu iibiyey gawaarida loo yaqaano waraadyada.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland kuma sheegin shirkiisa Jaraaid gadiidkaan hay’ada dowliga ay hoos imanayaan iyo cidda maamuli doonta howlaha biyo dhaamiska ah ay qabanayaan madaama dhulka Puntland baaxadiisu weyn tahay.

Guddiga Gurmadka Abaaraha oo dhawaan gaaray Magaalada Garoowe ayaa Puntland gaarsiiyay lacago gaaraya $150,0000 Dollar ah oo dowlada Federaalka ugu deeqdey dadka abaaraha ay saameynta ku yeesheen, Madaxweyne C/wali Gaas amrey dhawaan in dib looga soo wareejiyo guddiga culimmada kadib markii Madaxweyne ku xigeenka Puntland horey ugu wareejiyey guddiyada abaaraha.

Gobolada Maamul Goboleedka Puntland iyo guud ahaan dalka Somaliya ayaa waxaa ka jira abaaro ba’an kuwasoo sababey in dadka badan u dhintaan macaluul iyo cuddro ka yimid nafaqo daro.

cod Madaxweyne Ku Xigeenka Camay-

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here