Madaxweyne Farmaajo oo Safar Ku Tagaya Magaalooyinka Cadaado iyo Gaalkacyo

0

Madaxweynaha Dowladda Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa lagu wadaa In dhawaan uu safar ku tago magaalooyinka Cadaado iyo Gaalkacyo ee Gobolada Galgaduud iyo mudug.

Madaxweyne Farmaajo ayaa 19 bishan March tagaya Magaalada Galkacyo si uu xal ugu helo colaadda ka dhex aloosan maamulada Galmudug iyo Puntland, oo wada maamula Magaalada Galkacyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug waxa uu la kulmayaa Madaxda labada dhinac isagoo kala hadlaya sidii xal loogu heli lahaa dagaalada ku soo noqnoqday magaaladaas.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa 20-ka bishan safar ku tagaya magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug, waxuuna kala hadli doonaa hoggaanka Maamulka Galmudug doorashada Madaxweynaha iyo wada hadal lala galo Ahlu sunna Waljeemaca oo kasoo horjeeda jiritaanka Galmudug.

Safaradaan ayuu Madxweynaha Soomaliya gali doonaan markii la ansixiyo Xubnaha Golaha wasiirada uu soo magacaabi doono Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali kheyre.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here