Maqribkii xalay waxaa duleedka xaafadda Karaama ee Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud Lagu Arkay gabadh 7-sano jir ah oo gowracan sidoo kale gabadha yarta ah ayaa waxaa ka muuqday jirkeeda dhaawacyo culus.
Ciidanka ammaanka ayaa baaritaan kadib soo xiray laba haween oo lagu eedeyey inay falkaan geysteen, waxaana bulshada xaafada falku ka dhacay bilaabeen rabshado inkastoo ay ciidamadu kala eryeen.
Gabadhan ayaa xalay reerkoodu waayeen, waxaana dilka lagu eedeynayaa cid deris la ah, meydka gabdha yar ayaa ku jiray jawaan. Dhacdadaan ayaa argagax ku beertay dadka deegaanka.



