Kheyre:-“Waan Taageersanahay Qoondada Haweenka ee Goleyaasha Qaranka”,+Dhageyso

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xasan Cali Kheyre oo la kulmay Haweenka Gobolka Banaadir iyo xubnaha haweenka ee ku jira Golaha shacabka Baarlamaanka Federaallka Soomaliya iyo aqalka Sare ayaa sheegay in ka xukuumad ahaan ay u taageersan yihiin Qoondada haweenka ee goleyaasha qaranka.

Raisulwasaare Kheyre ayaa ku dardaarmay Haween iyo Xildhibaanada Haweenka ee ku jira labada aqal ee Baarlamaanka inay u midoobaan gaarista hadafkooda siyaasadeed, isla markaana ay door weyn ku yeeshaan talada iyo dib u dhiska dalka, Wuxuuna ku ammaanay haweenka Soomaaliyeed dadaalka ay muujiyeen, waxana ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dadaallada la doonayo in lagu samata-bixiyo shacabka Soomaaliyeed ee Abaaruhu ku dhufteen.

“Ka Xukuumad ahaan waxaan Taageersanahay xaqiijinta qoondada haweenka ee goleyaasha qaranka, waxaan sidoo kale kula dardaarmaynaa Haweenka Soomaliyeed in ay ka dhabeeyaan gaarista hadafkooda siyaasadeed”, ayuu yiri Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya.

Dowladdii Hore ee Soomaliya ayaa lagu dhaliili jiray in aysan tixgalinin qoondada haweenka ee goleyaasha qaranka, inkastoo haatan ay haweenka xubno muhiim ah ay ku leeyihiin Xildhibaanada Golaha shacabka iyo aqalka Sare.

codka Kheyre

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here