Kooxo Hubeysan ayaa Goordhaweyd Degmada Hobyo ee Gobolka mudug waxa ay ku dhaawaceen isku duwaha wasaarada Kaluumeysiga iyo qeyraadka badda ee Gobolka mudug ee Maamulka Galmudug Mahdi Maxamed Cusmaan.
Raga hubeysan ayaa la xaqiijiyay in mas’uulka ay dhowr xabadood ku dhufteen iyagoo falka kadib goobta isaga baxsday sida ay inoo xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka Tirsan maamulka Gobolka Mudug ee Galmudug.
Dhaawaca Mas’uulka ayaa la geeyay isbitaalka magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug oo haatan lagu dabiibayo.
ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada falkaan.

