Xildhibaan C/laahi Shiikh Ismaaciil oo kamid ah Baarlamanka Soomaliya oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda Simba ayaa sheegay in ay diyaarinayaan mooshin Loogu soo horjeedo Heshiiska Dowladda Imaaraadka Carabta iyo Xukuumadda Somali-land Saldhiga Malatari ee Magaalada berbera.
Xildhibaanka ayaa sheegay in mooshinka uu haatan marayo meel gabo ah islamarkaana dhawaan ay u gubin doonaan Guddoonka Golaha shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaliya si meesha loogu saaro in dowladda Imaaraadka Carabta ay la wareegto Saldhiga Malatari ee Magaalada Berbera.
Sidoo kale Xildhibaan C/laahi Shiikh Ismaaciil waxa uu sheegay in Dowladda Imaaraadka Carabta ay ka shaqeynayso sidii loo kala geyn lahaa Shacabka Soomaliyeed oo 25-sano oo burbur kusoo jiray.
Golayaasha Guurtida iyo wakiilada Somaliland ayaa bishii lasoo dhaafay si xoog ah ku ansixiyay heshiiska imaaraatka iyo maamulka Somaliland, waxaana meel gabo gabo ah maraya qorshaha dhismaha saldhigaasi.
Xiisada diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa cirka isku sii shareereysa, kaddib markii Imaaraadka Carabta u yeertay Safiirkii u joogay Somalia, sababo ku aadan muranka iyo cabashada dowladda Somalia ka keentay saldhiga Milateri.

