Xildhibaanada iyo Wasiiradda Galmudug oo Loogu Baaqay in ay Ku Laabtaan Cadaado

0

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Cadaado ee caaasimada KMG ee Maamulka ayaa ugu baaqay Xildhibaanada iyo wasiirada Galmudug in ay ku laabtaan magaalada Cadaado si loogu tashto aayaha dowladd Goboleedka Galmudug.

Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) ayaa sheegay in Xildhibaanada iyo Wasiirada Galmudug ay ka tashan doonaan sidii Galmudug loogu yeeli lahaa Madaxweyne Cusub kadib markii shalay uu ku dhawaaqay in uu is casilay C/kariin Xuusen Guuleed, oo muddo labo sano hayay Xilka Dowlad Goboleeka Galmudug.

“Xildhibaanada iyo wasiirada Galmudug ee ka maqan Cadaado, waa in ay dib ugu laabtaan Magaalada, Galmudug haatan waxa ay gali doontaa waji Cusub, waxaa laga tashan doonaan sidii Madaxweyne Cusub Galmudug loogu dooran lahaa”, ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here