Soomaliya oo Sacuudiga Ka Codsatay Inay Imaaraadka Ka joojiyaan Saldhiga Berbera

0

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed (Farmaajo) oo todobaadkaan gudihiisa safarkii ugu horeyay ku tagay dalka Sacuudiga ayaa waxaa la sheegay in madaxda dalkaas uu kala hadlay arrinta saldhigga Berbera, oo dowladda Imaaraadka Carabta ay kala heshiisay Xukuumadda Somali-land.

Sarkaal ka tirsanaa Wafddiga Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay Riyadh Post in Dowladda Somaliya ay Sacuudiga weydiisatay in Dolwadda Sacuudiga dhex dhexaadiso Imaaraadka iyo Somaliya si aysan Imaaraadka u dhameystirin Saldhigga Berbera ee Gobolka Saaxil.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa ka codsaday madaxda dalka Sacuudiga in ay dhex dhexaadiyaan dowladaha Somaliya iyo Imaaraadka iyada oo Dowlladda Somaliya aysan oggoleyn Saldhigga Imaaraadka ka dhisanayo Berbera.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here