Ciidamada amaanka Magaalada beledweyne ee Gobolka hiiraan ayaa xabsiga dhigay Wakiil wareedka laanta afka Soomaliga ee VOA-da ee Xuseen Xasan Dhaqane oo xaruntiisu ahayd magaalada Beledweyne.
Sababaha loo xiray uusan ka hadlin Maamulka magaalada beledweyne,ayaa haddana wararka soo baxaya ayaa sheegaya in wariyaha loo haysto war saakay ka baxay idaacadda.
Warka loo hysto ayaa waxa uu ku saabsan yahay khilaaf ka jira Dowlad Goboleedka Hirshabeelle kaasoo ka bilowday magacaabida golaha wasiirada dowlada Hirshabeelle, iyadoo maamulka gobolka Hiiraan uu amar ku bixiyay in aan la baahin Karin wararkaas.
Xariga loo geystay weriye Xuseen Xasan Dhaqane ayaa ah kii ugu horeeyay ee weriye lagu xiro Beledweyne tan iyo markii uu maamulka gobolka Hiiraan uu la wareegay guddoomiye Cali Jeyte waana xarigii ugu horeeyay ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ay kula kacaan saxafiyiinta ka howlgala.

