Puntland Waxa ay u Baahantahay Wadatashi Bulsho Si Looga Badbaado Fashil Siyaasadeed+Dhageyso

0

Wasiirkii hore wasaaradda Maaliyadda Puntland Faarax Cali Shire oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa sheegay in xiligaan loo baahan yahay in la sameeyo wada-tashi bulsho oo ku saabsan sidii looga hortagi lahaa fashil siyaasadeed.

Waxa uu sheegay Wasiirkii hore wasaaradda Maaliyadda Puntland Faarax Cali Shire in Mamulka Puntland uu haatan hogaaminayo Madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas uu fashil ku dhow yahay islamarkaana dhowrkii bilood aynu soo dhaafnay la dareemayay fashilka Siyaasadeed ee jiray.

Ex- Wasiir Shire ayaa sheegay inuu jiro tafaraaruq badan oo dhinaca siyaasadda iyo dhaqanka ah, kuwaasoo sabab u ah dhibaatooyinka jira, eeda ugu badan ayuu dusha ugu tuuray madaxweyne C/wali Gaas.

Arrimaha ammaanka iyo dhaqaalaha ayuu mudane Faarax tilmaamay inay aad uga hoosayso markii la yagleelay Puntland, taasoo sheegay inay tahay wax aan la aqbali karin.

Midnimada Puntland ayuu sheegay inay tahay mid aad u wiiqmay marka laga eego aas-aaskii ka hor, halka adeegyada bulshada iyo kalsoonida lagu qabi karo dowladda ay yihiin kuwo aad u hooseeya.

Farax Cali Shire, ayaa xusay in loo baahanyahay sidii looga jawaabi lahaa su’aalo tiro badan oo ay ku jirto; Puntland-tii la dhisay 18 sano ka hor masidaan baynu ku daynaa mise waxaan rabnaa Puntland nooc kale ah?.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here