Faah-faahin:-Duqeyn Diyaaradeed oo Ka Dhacday Gobolka Jubada Hoose

0

Wararka ka imaanaya deegaanka Haawinaa ee duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa ku waramaya in diyaarado dagaal ay duqeeyeen deegaankas.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeynta wararka qaar ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaal ay duqeeyeen goobo ay sugnaayeen dad shacab ah, halka sidoo kale wararka qaar ay sheegayaan in diyaaradaha ay duqeeyeen Saldhiga Ciidamada Al-shabaab ay ku leeyihiin deegaakaas.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga qasaaraha ka dhashay duqeynta laga fuliyay deegaanka Haawinaa ee duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose oo Al-shabaab ay ku sugan yihiin.

Duqeynta la fuliyay ayaa kusoo beegmaysa xili todobaadkii aynu soo dhaafnay Ciidamada Al-shabaab ay weerar gaadmo ahaa ay qaadeen Ciidamo kenyaati ah oo marayay deegaankaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here