Wafdi uu Hogaaminaayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ka dib Safar uu ku tagay Dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.
Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa ka soo dagay Garoonka Diyaarada ee Magaalada Muqdisho ayada oo aysan jirin wax soo dhaweyn ah oo ay u sameeyeen Mas’uuliyiint Dowlada Soomaaliya ee isku jirta Wasiiro, iyo Xildhibaanada 2-Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya.
Mudane Farmaajo ayaa safar 2-Maalin qaatay ku tagay Dalka Sucuudi Carabiya halkaasi oo u kulamo looga hadlay Ajandayaal kala duwan oo quseeyay Soomaaliya iyo Dalka Sucuudiga uu ku la qaatay Boqorka Dalkaasi Boqr Salmaan Binu C/casiis Al-Sacuud iyo Mas’uuliyiinka kale.
Xog ay heshay Idaacada Simba ayaa Muujinaysa in Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo uu Amar ku Bixiyey in aan loo Sameyn Maamuus gaar ah oo lagu soo Dhaweynayo islamarkaan la guto Waajibaadka Qaranka.

