Ciidamada hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ayaa gacanta ku dhigay haween uu qabay sarkaal ajnabi ah oo ka Tirsan dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.
Ciidamada ayaa howlgal ka sameeyay degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir waxaa ugu suurta gashay howlgalka in ay kusoo qabtaan haweeneydaan oo la sheegay in ay u dhixi jirtay sarkaal ka Tirsan Xarakada gaar ahaan kuwa Ajaanibta.
Magaca Hawweneyda ayaa lagu sheegay Laylo Cumar Baaruud.
Saraakiil ka tirsan ciidamada sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in haweeneydaasi ay baaritaano kus ocdaan, waxaana la dhigay xabsiga.

