Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Wadani Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa mar kale si adag uga hadlay Saldhiga Ciidanka ee dawladda Imaaraadku ay ka sameysaneyso Madaarka Magaalada Berbera, waxaana uu sheegay in uu sharci darro ahaa heshiiskii laga ansaxiyey Baarlamaanka ee saldhiggaasi isla mar ahaantaana aanay marnaba ka aamusi doonin ka hadli taanka arrinta Saldhiga Berbera.
Sidoo kale Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa sidoo kale ka hadlay wasiiro dhawaan sheegay in aan laga hadli karin arrinta saldhiga, isaga oo si aada carabka ugu adkeeyey in qof kasta oo reer Somaliland ahi uu ka hadli karo arrinta saldhiga Berbera maadaama ay saameyn ku lee dahay noloshiisa sida oo kale na uu yahay muwaadin reer Somaliland ah.
Dhawaan wasiirka Warfaafinta ee Maamulka Somali-land oo shir jaraaid uu ku qabtay magaalada Hargeysa ayuu ku sheegay in aan laga hadli Karin heshiiska Saldhiga Ciidanka ee dawladda Imaaraadku ay ka sameysaneyso Madaarka Magaalada Berbera, islamarkaana cidii arintaas ku dhaqaaqda xabsi la dhigi doono.

