Cabsi Soo Wajahday Soomalida Ku Ganacsata Wadanka Koonfur Afrika

0

Soomaalida ku nool wadanka Koofur Afrika iyo Dadka kale ee soo galootiga ah ayaa waxaa soo wajahay cabsi badan ka dib markii wadankaas mar kale ay ka bilowdeen Rabshado ka dhan ah dadka Ajnabiga ah.

Wariyaha Wakaaladda SONNA ee ku sugan koofur Afrika ayaa ku soo waramaya in maanta ay xiranyihiin inta badan goobaha Ganacsiga iyadoo aad u cabsanayaan Ganacsatada.

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa muuqaalo laga soo qaaday qaar ka mid ah magaalooyinka Wadanka koofur Afrika ayaa waxay muujinayeen weeraro loo gaysanayay dadka Ajnabiga ah.

Weerarada ka dhan ah dadka aanan Muwaadiniinta ahayn ee kusan wadanka Koofur Afrika ayaa waxaa wada dad Muwaadiniin ah iyadoo dowladdu ay dhowr mar sheegtay inay ka soo horjeedo arintaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here