Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu caleema-saaro Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed(Farmaajo) kaasi oo muqdisho lagu doortay 8-dii bishii February sanadkaan 2017-ka.
Xafladda caleema-saarka oo ka dhacaysa Xarunta Afasiyooni ayaa waxaa ka qeyb galaya Ra’isul wasaarayaal iyo Wasiiro ka kala socda Dowladaha Africa ee saaxiibada la ah Somalia, Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia iyo Safiiro heer caalami ah oo iminka ka howlgalo Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Sidoo kale caleema-saarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Farmaajo waxaa ka qeyb galaya Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada dalka ka jira kuwaasi oo shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Caleema-sarka Kadib Madaxweynaha ayaa kulamo gaar gaar ah oo loogu hadlayo arrimaha dalka Soomaliya waxa uu la qaadan doonaa xubnaha ka qeyb galay Caleema-saarkiisa.
Dhanka kale waxaa si weyn loo adkeeyay amaanka Magaalada Muqdisho, wadooyinka Muqdisho waxaa lagu arkayaa Ciidamo kala duwan oo ka Tirsan Kuwa dowladda Soomaliya.

