Hay’ada dhalaanka iyo waxbarashada caruurta u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa waxa ay sheegtay in nafaqo darro aad u daran ay soo wajahday caruur gaaraysa ilaa 1.4 million.
Waxaa hay’adu ay sheegtay in dalka soomaaliya oo kaliya in kabadan 200,000 oo caruur in sameyn xoogan ay ku yeelatay abaaraha dalka ku dhufatay oo imika wajahaya macluul iyo nafaqa darro baahsan waxaana ay intaa hay’adu ku dartay in bilaha soo socda la filayo macluusha iyo nafaqo darrada heysata caruurta Soomaaliya in ay gaarto ilaa 270,000 .
Waxaa sidoo kale hay’adu ay tilmaamtay in 462,000 oo caruur ah in cuno yari iyo nafaqa darro sidan oo kale ah in ay kajirto dalka yeman taa oo waliba wehlisa dagaalo halkaasi ka soconaya, iyo dalka nageria oo ay sheegtay kudhawaad 450 oo caruur ah in ay soo ridatay macluul baahsan oo nafaqo darro ah.
Dalka koonfurta sudan ayaa waxa ay xustay Unicef in kabadan 270,00 in ay soo ridatay macluul baahsan waxaana ay sheegtay qeybo kamid ah koofurta sudan in loogu dawaaqay xaalad bini aadanimo oo deg-deg ah.
Hay’ada UNICEF ayaa tibaaxday dalalkan in abaaro xoogan ay ka jiraan kuwaa oo sidoo kale dagaalo ay ka socdaan iyadoo sheegtay in ku dhawaad 2 sano aysan roob ka da’in.
Agaasimaha Hay’ada UNICEF Anthony lake ayaa codsaday in la’qaado talaabo deg-deg ah waxaana uu sheegay in ay badbaadin karaan nolosha caruurtaasi allah (S.W.T) ka sakoow

