Maamulka Gobolka Banaadir oo Gargaar Gaarsiiyay Barakacayaasha ee Ku Nool Degmada Kaxda

0

Maamulka Gobolka Banaadir ee dowladda Soomaliya ayaa gargaar Raashin u badan maanta gaarsiiyay dad barakacayaasha ee ku nool degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Deeqdaan waxaa maamulka Degmada Kahda ku wareejiyay ku-simaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasida Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa goobta ka sheegay in deeqda la gaarsiiyay aysan ku fileen balse loogu talagalay in loogu gurmado dadka.

Sidoo kale Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca Amniga iyo siyaasida Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa ka dalbaday Gudddiga Gurmadka Abaaraha ee dhawaan la magacaabay In ay gargaar lasoo gaaraan dadka ku dhibateysan Gobolka Banaadir.

Dhanka kale Gudoomiyaha Degmada Kaxda ee Gobolka banaadir Maxamed Ismaaciil ayaa dhankiisa sheegay in gargarka maanta la gaarsiiyay dadka uusan ku fileyn, balse la gaarsiiyay dadka xiligii ay u baahnaayeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here