Wararka ka imaanaya deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in dagaalayahanada Xarakada Al-shabaab ay deegaanka isaga baxeyn islamarkaana ay gubeen guryo iyo goobo ganacsi ay lahaayeen dad shacab ah.
Dagaalyahanada Xarakada Alshabaab ayaa sidoo kale horey u watay inta aysan deegaanka ka bixin gaari iskaroge ah, nuuca dhagaxda lagu daabulo uu lahaa nin deegaanka ah sida idaacadda simba ay u sheegeen dadka deegaanka, Alshabaab ayaa galabta Ka baxay magaalada.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa ku waramaya in Xarakada Al-shabaab ay haatan ku sugan yihiin duleedka Camaara, waxa ayna dadka leh goobaha ay gubeen ku eedeynayaan inay la shaqeeyaan maamulka Galmudug.
Dowlad Goboleedka Galmudug ayaan ka hadlin goobaha la gubay iyo la wareegitaanka Al-shabaab deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug oo dhawaan ay gaareen Ciidamada Galmudug iyo kuwa Mareykan ah.

