Dowladda Soomaliya oo Loogu Baaqay in ay AMISOM Kala Xisaabtanto Xasuuqa Shacabka +Dhageyso

0

Axmed Maxamed Ibraahim oo Ka mid ah dadka ku nool gobolka shabeelada hoose gaar ahaan degmada Qoryooleey ayaa codsi ku aaddan wax ka qabashada dhibaatooyin ciidamada AMISOM ay u geysteen shacabka ku nool degmadaasi u diray Madaxweyna dhawaan la doortay ee soomaaliya MD-Farmaajo.

Waxaa uu sheegay in Shacabka degmada Qoryooleey ay joogto ku noqotay xasuuq-wadareed ciidamada AMISOM ay u geystaan islamarkaan aysan jirin cid wax ka qabatay ciidankuna ay goobta ka baxsadaan markii ay fal dhibaato ah geystaan.

Axmed Maxamed Ibraahim oo ehelkiisa xubna ka mid ah ay ku jireen dadka dhibaatada ay u geysatay AMSIOM oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in hadda Isbitalada Ku yaalla magaalada Muqdisho ay ku dayacanyihiin dadka dhibaatadu soo gaartay aysanna jirin cid wax u qabatay.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayuu ugu baaqay inuu wax u qato shacabka degmada Qoryooleey oo abaar ahaysata ay ugu darsantay dhibaato joogta ah oo ay kala kulmaan AMISOM isagoon codsiga Madaxweynaha uu u dirayo raaciyey inuu soo Magacaabo guddi xaqiiqo raadin ah oo qiimeeya dhibaatada meesha Ka Dhacday kuwasi oo dabalna arintaan ku sameeya.

Dalabka loo diray madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli muddooyinkaan dambe ay soo baanayaan xasuuqa iyo dhibaatooyinka kale ee shacabka soomaaliyeed ee ku nool meelo ka mid ah gobolada dalka ay kala kulmayaan ciidamada AMISOM.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here