Gudoomiyaha Xibsiga UCID ee Maamulka Somali-land Enjineer Feysal Cali Waraabe oo maanta warbaahinta kula Hadlay Magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan Soomaliya iyo heshiiska Saldhiga Malatariga ee Magaalada Berbera ee shalay la meelmariyay.
Eng Feysal Cali Waraabe Gudoomiyaha Xibsiga UCID ee Maamulka Somali-land Ayaa xusay inay Farmaajo is fahmi doonaan haddii uusan noqon sida Xasan Shiikh Maxamuud oo uu ku tilmaamay inuu ahaa Madaxweyne dhib badan sidoo kale wuxuu xusay inay arki doonaan haddii uu noqdo adeerkiisa oo kale sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale Guddoomiye xisbiga UCID ee Maamulka Somali-lnd Eng Feysal Cali Waraabe Waraabe ayaa mar kale sheegay inuu isaga kaga mudan yahay Farmaajo Magaalada Muqdisho sidoo kalana uu yahay wadani daacad ah maadaamaa uu kamid ahaa dadkii riday dowladii Siyaad Barre sida uu isaga hadalka u dhigay.

