Muwaadin Soomaliyeed oo Qirtay in uu Dilay Haweeney u Dhalatay Mareykanka

0
Undated Metropolitan Police handout photo of Zakaria Bulhan, who has admitted killing an American tourist and injuring five other people during a knife rampage in London's Russell Square, the scene of one of the 7/7 bombings.

Muwaadin Soomaaliyeed oo ku dhashay gudaha dalka Norway kaa oo kusugnaa magaalada loo dalxiis tago Ruselle square ee magaalada London ee gudaha dalka britian ayaa qirtay in uu dilay haweeney u dhalatay dalka mareykanka taa oo dalxiis ahaan u joogtay magaalada Russel square.

Zakariye bulxan oo 19 jir ahaa islamarkaana wax shaqo ah aan heysan ayaa horay loogu eedeeyay in uu bartilmaameedsaday haweeneey macalimad aheyd oo jirtay 64 sano una dhalatay dalka mareykanka waxaana falkan uu dhacay 3 august 2016 oo aynu ka’soo gudubnay.

Muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in uu dhaawac u geystay 5 ruux oo kale kuwaa oo iyaguna sidoo kale ahaa dalxiisayaal ku sugnaa isla goobta uu ku dilay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here