Ciidamada hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee NISA ayaa soo bandhigay qarax ay sheegeen in uu ahaa Miino lana doonayay in lagu qarxiyo Magaalada Muqdisho.
NISA waxa ay sheegatay in qaraxa uu ahaa miinada dhulka Lagu aaso lana doonayay in lagu waxyeelo Madaxda dowladda ama Shacabka Soomaliyeed.
HOOS KA AKHRI QORAALKA NISA
Ciidamada Sirdoonka & Nabadsugidda Qaranka waxay aroornimadii saaki abaaro 6:25am ee 6/February/2017 ka hortageen qarax miino oo argagixisada soo dhigeen waddada Taleex, agagaarka Isbitaalka Deva ee Degmada Hodan, Gobolka Banaadir.
Miinadaas oo ay argagixisadu ugu tala galeen inay ku waxyeeleeyaan bulshada Soomaaliyeed, ayaa ciidamada Sirdoonka ka warheleen, waxaana goobtaas ka howlgalay ciidamada Ka hortagga Qaraxyada ee NISA kuwaasoo si xirfadaysan u furay miinadaas ayadoon wax khasaaro ah ka dhalanin.
Arrinkan waxay ka mid tahay howlaha ciidamada Sirdoonka ay ku badbaadinayaan bulshada Soomaaliyeed, laguna fashilinaayo damaca argagixisada ay ku doonayeen inay ku waxyeeleeyaan Bulshada.

