Al-shabaab oo Degmada Jilib Ku Gowracay Afar Nin oo ay Ku Eedeeyeen Basaasnimo

0

Fagaaraha Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaa shalay galinkii dambe Al-shabaab ay ku gowraceen afar nin oo ay ku eedeeyeen in ay  la shaqeynayaan Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Dowladaha Mareykanka iyo Kenya.

Qaadi u hadlay Maxkamadda Al Shabaab ee Gobolada Jubbooyinka, ayaa waxaa uu Fagaaraha ka sheegay in raggaasi ay Maxkamadda ka hor qirteen in ay la shaqaynayeen dowladahaasi oo dagaal kula jira Al-shabaab.

Qaadiga Maxkamadda Xarakada Al-shabaab ee Gobolada Jubooyinka  ayaa sidoo kale sheegay in afartaasi nin ay fududeeyeen dilal qorsheysan oo diyaaradaha Drones-ka Mareykanka, ay ku qaarajiyeen Saraakiil Shabaabka ka tirsanaa, kuwaasi oo lagu kala magacaabi jiray Maxamuud Sandheere iyo Yuusuf Xaaji.

Ragga la gowracay oo dhalinyaro u badan, ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Siyaad Cali Cabdi 26 jir, C/laahi Cali Xasan 26 jir, Axmed Ibraahim Hire (Gallad) 28 jir iyo Yuusuf Makaraan Maxamed 58 jir.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here