Madaxweynaha Maamulka Puntland oo Muqdisho Soo Gaaray+Sawirro

0

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaaran uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii danbe soo gaaray aasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa safarka ku wehelinayey gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland mudane. Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha  Puntland iyo saraakiisha madaxtooyada  Puntland.

Ugu horay Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in safarkan isaga iyo weftigiisu uu salka ku hayo arrimo la xiriira doorashooyinka Soomaaliya, waxaana uu tibaaxay madaxweynuhu in ay lagama maarmaantahay in  Puntland ay qayb ka ahaato arrimaha doorashooyinka Soomaaliya madaama ay Puntland khibrad badan iyo aqoon badan u leedahay arrimahaasi.

Sidoo kale Madaxweynaha  Puntland ayaa sheegay in  Puntland ay xaq u leedahay inay wax ka ogaato arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya isla markaana ay taageerayso isbedelka ka dhicidoona Soomaaliya.

‘’maanta aniga iyo wefti balaadhan ee aan hogaaminayo oo uu ka mid yahay gudomiyaha Baarlamaanka Puntland waxaan soo gaarnay magaalada Muqdisho oo dhowaan ay ka dhicidoonto doorashadii madaxweynaha Soomaaliya, dabcan Puntland waa qayb muhiima oo ka midda Dawladda Faderaalka Soomaaliyeed waxayna rabtaa inay wax ka ogaato isbedelka ka dhicidoona Soomaaliya, waxaa ku xidhan Masiirkeeda, waxaa ku xidhan horumarkeeda, waxaa ku xidhan wada jirkeeda iyo midnimadeeda Soomaaliyeed markaa inaanu ogaano, korjoogtayno, ka war-qabno waxa kasoo baxaya gabagabada doorasha Soomaaliya waa mid muhiima’’ ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa cadeeyey in isaga iyo weftigiisu ay muqdisho ku sugnaan doonaan ilaa dhammaadka Doorashada, taas oo ay maalmo kooban ka hadhsantahay gunaanadka doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya.

IMG_9502 IMG_9520 IMG_9523 unnamed

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here