War Deg Deg:- Qarax Ka Dhacay Degmada Shibis

0

Degmada Shibis gaar ahaan Agagaarka isgoyska Beexaani wararka naga soo gaaraya ayaa ku waramaya In qarax gaari lagu xiray uu ka dhacay halkaas islamarkaana lala eegtay Muwaadin Soomaliyeed oo  lagu magacaabo Mustaf Jeylaani Abuu Shiikh.

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa  goordhaweyd xaqiijiyay in qaraxa lagu xiray gaariga, islamarkaana la doonayay in lagu qaarijiyo Mustaf Jeylaani Abuu Shiikh, oo qof iska caadi ahaa.

Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay Mas’uuliayada qaraxa, waxaa xusid mudan in degmada Shibis ay mudooyinkii ugu dambeeyay ay ka dhacayeen qaraxyada noocaan oo kala ah.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here