Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho waxaa haatan ka socota Khudbad jeedinta musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaliya.
7-musharax ayaa maanta khudbadahooda ka horjeedinaya xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaliya, musharax walba ayaa soo bandhigi doona waxqabadkiisa afarta sano ee soo socota haduu ku guuleysto xilka Madaxweynaha Soomaliya,balse Musharax Axmed Maxamed Cabdi Oo kamid ahaa 8 Musharax ee Maanta Khudbadda Ka Horjeedin lahaa B.J.S ayaa Cudur daartay, isagoo dalka kamaqan.
Musharixiinta maanta hadal jeedintooda la dhageysanayo waxaa kamid ah
Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi
Xasan Shiikh Maxamuud
Bashiir Raagge Shiiraar
Shiikh Shariif Shiikh Axmed
Jibriil ibraahim Cabdule
Saciid C/laahi Dani
Saciid Ciise Maxamuud
Khudbadaha ugu saameynta badan ayaa loo arkaa mida ay jeedin doonaan labada Mas’uul ee Kala ah Xasan Shiikh maxamuudMadaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday, iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed Madaxweynihii Dowladii KMG aheyd.

