Askar Ka Tirsan Puntland oo La Gowracay oo Lagu Arkay Degmada Qandala

0

Wararka ka imaanaya Degmada Qandala ee Gobolka Bari  ee deeganada maamulka puntland ayaa ku waramaya in saakay degmadaas lagu arkay 3-askari oo meyd ahaa islamarkaana madaxyda laga jaray.

3-da askari ayaa la sheegay in  si maxbuus ahaan ay u heysteen maalmihii dambe dagaalyahanada Daacish ee dhawaan laga saaray degmada Qandala ee Gobolka Bari  , waxayna dadka degmadaas ay xaqiijiyeen in askartaan habeenkii xalay ahaa degmadaas lasoo dhigay islamarkaana madaxyada laga soo jaray.

Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Puntland, iyo dagaalyahanada daacish oo loogu hadlaayo askarta Madaxyada laga jaray ee saakay lagu arkay Degmada Qandala ee Gobolka Bari.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here