Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Cusub ee Soomaliya oo kulan ku yeeshay galabta Magaalada Muqdisho ayaa ka hor yimid go’aankii kasoo baxay Guddiga qaban-qaabada doorashada oo ahaa in la joojiyay dooda Mushariixinta.
Musharixiinta ayaa isku raacay in joojinta iyo go’aan ka gaarista dooda mushariixinta ay gaari karaan oo kaliyaha Guddoonka Baarlamanka federaalka Soomaliya, oo markii hore soo bandhigay in ay dhici doonto dood wadaag.

