Gudoomiyha Guddiga Doorashada madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Dr C/raxmaan Ducaale Bayle oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay n la joojiyay doodii loo qaban lahaa Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Somaliya.
Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in la isku qilaafay qaabka dooda ay u dhacayso, islamarkaana ay guddiga qaban-qaabada doorashada kulan ay sheegeen in ay ku go’aamiyeen in gabi ahaanba la joojiyo qabashada doodaas.
12-musharax oo u taagan xilka Madaxweynaha Soomaliya oo ay kamid yihiin Shiikh Shiikh Axmed, C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud (Faroole), Musharax Dani, Maxamed Cali Nuur Ameeriko, ayaa maanta isaga baxay howlka shirka Xarunta golaha shacabka ee Magaalada muqdisho, waxayna ku eedeeyeen guddoonka baarlamaanka Soomaliya in uu gacan bidixeeyay ka qeyb galka dooda Mushariixinta saxaafadda madaxa banaan.
Dhanka kale Gudoomiyha Guddiga Doorashada madaxweynaha Cusub ee Soomaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in 2/2/2017 oo khamiista ku beegan in la dhageysan doono khudbadaha musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Cusub ee dowladda Federaalka Soomaliya, islamarkaana lasoo gaba-gabeyn doono 5-ta bishaan February.

