Taliyihii Ciidanka Ilaalada Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo Geeriyooday

0

Raisulwasaare Ku-xigeenka Xukuumadda federaalka Soomaliya Maxamed Cumar Carteh ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Marxuum Dhamme Nuur Xuseen Hakaar (Nuur Dheere) oo galabta ku geeriyooday Isbitaalka Erdogan (Digfeer) ka dib markii uu ku dhaawacmay qaraxii Hotel Dayax loo gaystay.

“Inna Lillahi wa inna ilaihi raji’un,Tacsi ayaan u dirayaa ehelka iyo qaraabadii, ciidankii, dawladda iyo shacbiga Soomaaliyeed ee uu ka baxay Taliyihii Ciidanka ilaalada Ra’iisul Wasaaraha (AHUN) Marxuum Dhamme Nuur Xuseen Hakaar (Nuur Dheere) oo galabta ku geeriyooday Isbitaalka Erdogan (Digfeer) ka dib markii uu ku dhaawacmay qaraxii Hotel Dayax loo gaystay; Waxa aan Illaahay uga baryeyaa Marxuumka in uu janatul firadows ka waraabiyo inagana uu sabir iyo iimaan naga siiyo.

“Marxuum Nuur Dheere wuxu ahaa nin hawshiisa iyo masuuliyaddiisa si hagar la’aan ah u qabta. Illaahay ha ka abaal mariyo oo janno ha ugu bedelo, Aaamiiin”, ayuu yiri Raisulwasaare Ku-xigeenka Xukuumadda federaalka Soomaliya Maxamed Cumar Carteh.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here